Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay si iskood ah uga baxayaan dagaalka ka dib markii golaha madaxweynaha Yemen ee Sacuudigu taageero uu joojiyay heshiiskii difaaca ee ay la galeen Imaaraadka Carabta, isla markaana ay ciidamadooda ka codsadeen inay dalka ka baxaan 24 saacadood gudahood.

Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ku dhawaaqday inay ciidamadeeda kala baxayso Yemen kadib markii lasoo saaray amar kama dambays ah.
Wasaaradda Difaaca ee dalka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay wakaaladda wararka ee WAM, inay soo xigatay “horumarradii ugu dambeeyay iyo saameyntooda ku aaddan badbaadada iyo waxtarka hawlgallada ka hortagga argagixisada.”
Si kastaba ha ahaatee, ma aysan sheegin goorta ay dhici doonto ka bixitaanka.
Horraantii maanta oo Talaada ah, hoggaamiyaha golaha madaxtooyada Yemen ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah kadib weerar uu Sacuudigu hoggaaminayo oo ka dhacay dekedda koonfureed ee Mukalla.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in duqeyntu ay bartilmaameedsatay shixnad hub ah oo ka timid Imaaraadka Carabta oo loogu talagalay inay gaarto kooxaha gooni u goosadka Yemen.
Iyada oo ka jawaabaysa, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa ku baaqday “is-xakamayn” waxayna beenisay inay hub u dirtay kooxaha gooni u goosadka.
Golaha madaxtooyada ee Sacuudigu taageero ayaa soo saaray xayiraad 72 saacadood ah oo lagu soo rogay dhammaan xuduudaha dhulkooda, iyagoo sidoo kale ku baaqay in ciidamada Imaaraadka Carabta ay ka baxaan Yemen 24 saacadood gudahood.
Heshiiska amniga ee u dhexeeya Yemen iyo Abu Dhabi ayaa sidoo kale golaha laalay.
Milatariga Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay weerarkan bayaan ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Sacuudi Carabiya, iyagoo sheegay inay bartilmaameedsadeen shixnad u timid Yemen oo ka timid Fujairah, oo ah magaalo ku taal xeebta bari ee Imaaraadka Carabta.
Sida ku cad qoraalka, shaqaalaha maraakiibta “waxay damiyeen aaladaha dabagalka” waxayna ka dejiyeen “tiro badan” hub iyo gaadiid loogu talagalay ciidamada gooni u goosadka Yemen ee STC.
Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay in shixnadda lagu beegsaday weerarkii Sacuudiga uu ku jiray hub, laakiin waxay qirteen in gaadiidka lagu wareejiyay xoogaga Koonfurta Yemen.

Afhayeenka dowladda Imaaraadka Carabta Afra Al Hameli ayaa Talaadadii sheegtay in Abu Dhabi “ay xaqiijinayso diidmadeeda buuxda ee ku aaddan eedeymaha la xiriira hurinta colaadda Yemen.”
Weerarkan ayaa muujinaya xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo sii kordheysa, iyadoo labada dal ay taageerayaan dhinacyada ku loolamaya dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan.




