Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay inay “si adag u beeninayaan” eedeymaha ah in ay hubeeyaan ciidamada RSF ee Suudaan.

Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa beenisay in ay hub uu Shiinuhu sameeyay ay u soo dhiibeen Jabhadda Rapid Support Forces (RSF), kuwaas oo colaad ba’an kula jira dowladda militariga ee Suudaan.
Salem Aljaberi, oo ah kaaliyaha wasiirka amniga iyo militariga ee Imaaraadka Carabta, ayaa Jimcihii ku sheegay baraha bulshada in eedeymaha, ee ku jira warbixin Amnesty International ay sii daysay maalin hore, ay yihiin “mid aan sal iyo raad lahayn”.
Abu Dhabi ayaa muddo dheer diidaysay eedeymaha ka imaanaya ilo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Mareykanka, iyo NGO-yada – oo sheegaya in ay hubeyneyso RSF.
“Imaaraadku wuxuu si adag u diidayaa soo jeedinta ah inay hub siiso cid kasta oo ku lug leh colaadda ka socota Suudaan,” ayey Aljaberi ku tiri hadal ay ku qortay X.
Amnesty ayaa sheegtay Khamiistii in ay xaqiijisay muuqaal muujinaya dagaalyahannada RSF-ta oo isticmaalayay hubka Shiinaha ee GB50A bambaanooyin la hago iyo madaafiicda 155mm AH-4 howitzer, intii ay socdeen weerarrada Khartoum iyo Darfur.
Sida laga soo xigtay kooxda xuquuqul insaanka, Imaaraadku wuxuu ahaa midka kaliya ee la yaqaan ee iibsada madaacfiicdan Shiinaha sameeyo, iyagoo tixraacaya xogta machadka caalamiga ah ee cilmi baarista nabadda ee Stockholm.
Aljaberi ayaa ku gacan-seyrtay warkan, iyadoo sheegtay in hubkan “uu ahaa mid suuqyada caalamiga ah laga heli karo muddo toban sano ku dhow” oo uusan ahayn mid u gaar ah Imaaraadka. Waxay ay warbixinta ku tilmaamtay mid marin habaabin ah.
Diyaarado cusub oo Drones ah ee weeraray Port Sudan
Iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay ay soo food saartay dib u dhacyo xiriir ah oo ka dhacayay goobaha dagaalka, ayey xoogaga RSF ay xoojiyeen weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay ka taliyaan ciidamada Suudaan.
Magaalada Port Sudan ee bariga dalkaasi ayaa si gaar ah loo bartilmaameedsaday waxaana la duqeeyey maalintii lixaad oo xiriir ah Jimcihii.
Sarkaal ka tirsan ciidamada, oo si qarsoodi ah ula hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in difaaca cirku ay soo rideen “diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadowga”.
Goobjoogayaasha ayaa soo sheegay weerarro waxyeello u geystay kaabayaasha muhiimka ah, oo ay ku jiraan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee ah kan kaliya ee shaqeeya, xarunta ugu weyn ee lagu keydiyo shidaalka, iyo xarunta ugu weyn ee korontada.
Port Sudan ayaa sidoo kale ah isha la marsiiyo gargaarka la geeyo dalkaasi.
Dagaalka Suudaan waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan 13 milyan, taasoo abuurtay xaalad bini’aadantinimo tii ugu xumayd ee adduunka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay in weerarradan “ay halis gelinayaan hawlaha gargaarka iyo bini’aadantinimo”, sida uu afhayeenkiisu yiri.
Wasiirka Difaaca Sudan Yaasiin Ibraahim ayaa Talaadadii ku eedeeyay Imaaraadka inay ku xad-gudbeen madax-banaanida dalkaas, iyagoo taageeraya jabhadda RSF, waxayna xukuumadda milaterigu ku dhawaaqday inay jartay xiriirkii dublamaasiyadeed.
Iyaga oo ka jawaabaya, Abu Dhabi ayaa diiday in ay hub siiso RSF, waxayna diiday sharcinimada dawladda Suudaan ee caalamku aqoonsan yahay.
Horraantii toddobaadkan, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu waxay tuurtay dacwadda Suudaan ee ku eedaysay Imaaraadka Carabta inay ku lug leedahay xasuuqa, iyada oo sheegtay in aanay awood u lahayn dacwadaas sababo la xidhiidha Imaaraadka oo aan qeyb ka ahayn dalalka sida buuxda u saxiixay qodobka 9-aad ee heshiiska xasuuqa.