Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu jebiyay xayiraadda hubka ee Qaramada Midoobay, kadib markii la ogaaday…

Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu jebiyay xayiraadda hubka ee Qaramada Midoobay, kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo asal ahaan laga iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Liibiya iyo Sudan.
Warbixin cusub oo QM ay soo saartay ayaa muujisay in hub laga sameeyay UK oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gacanta kooxo hubeysan, taas oo muujineysa jebinta xayiraadihii hubka ee saarnaa Soomaaliya iyo dalal kale oo cunaqabatayn lagu hayo.
Khabiirada QM ayaa sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado ganacsi oo hubka si qarsoodi ah u gudbiya, iyagoo xusay gaadiidka dagaalka Nimr Ajban oo ay soo saartay shirkad Imaaraad ah in lagu isticmaalay goobaha dagaallada.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Imaaraadku hub British ah u gudbiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo abuurtay walaac cusub oo ku saabsan kaalintiisa dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.
Imaaraadka ayaa beeniyay eedeymaha, balse dalal reer galbeed ah ayaa ku cadaadinaya in la joojiyo dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro, maadaama la tuhunsan yahay in lagu isticmaalo Soomaaliya iyo dalal kale oo colaado ka socda.




