In ka badan 160 qof oo ku dhintay daadad iyo dhul-go’ ka dhacay Nepal.

In ka badan 160 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen Nepal, halka boqolaal kale oo…

27 August, 2026

In ka badan 160 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen Nepal, halka boqolaal kale oo dalxiisayaal ah iyo dad deegaanka ah weli la la’yahay, kaddib markii daadad xooggan iyo dhul-go’ lama filaan ahi ay ku dhufteen qaybo kamid ah deegaamada dalxiiska caanka ku ah ee dalkaasi.

Dadka la la’yahay waxaa ka mid ah in ka badan 100 qof oo u dhashay Hindiya, 47 ilaa 54 qof oo Maraykan ah, 34 Australian ah iyo 33 British ah, iyadoo sidoo kale la raadinayo in ka badan 100 qof oo Nepali ah.

Gurmad xooggan ayaa socda, waxaana dalal iyo hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Shiinaha, Midowga Yurub iyo Hindiya ay ballanqaadeen inay Nepal ka taageeraan hawlgallada samatabbixinta iyo gargaarka dadka ay musiibadu saameysay.

Dhanka kale, tobannaan askari oo ka tirsan Booliiska iyo ciidamada milatariga Nepal ayaa la la’yahay, iyadoo sidoo kale la raadinayo shaqaale ka shaqeynayay mashaariicda korontada.