QUDUS – In ka badan 4,200 oo Israa’iiliyiin ah, oo ay ku jiraan Yuhuuda xagjirka ah…

QUDUS – In ka badan 4,200 oo Israa’iiliyiin ah, oo ay ku jiraan Yuhuuda xagjirka ah iyo xubno ka tirsan kooxaha midigta fog, ayaa galay xarunta Masjidka Al-Aqsa ee Bariga Qudus oo ay Israa’iil haysato, taas oo saraakiisha Falastiiniyiintu ku tilmaameen mid ka mid ah gelitaannadii ugu ballaarnaa ee sanadkan.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay munaasabadda Tisha B’Av, oo ah maalin baroordiiq ah oo ay Yuhuuddu xusaan, laguna xasuusto burburkii laba jeer soo gaaray macbud qadiimi ah oo Yuhuuddu aaminsan yihiin inuu ku yaallay goobta ay Muslimiintu u yaqaannaan Masjidka Al-Aqsa, halka Yuhuuddu ugu yeeraan Buurta Macbudka (Temple Mount).

Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, oo ka tirsan siyaasiyiinta midigta fog, ayaa isna booqday goobta isagoo ay ilaalinayeen ciidamo boolis oo aad u fara badan.
Maamulka Gobolka Qudus ee Falastiin ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 4,288 Israa’iiliyiin ahi ay galeen xarunta Masjidka Al-Aqsa, iyadoo la filayo in tiradu sii korodho ilaa qorrax dhaca, islamarkaana ay gaari karto 5,000 oo qof. Haddii ay sidaas noqoto, waxay noqon doontaa tiradii ugu badnayd ee la diiwaangeliyo xilliga munaasabaddan sannadihii u dambeeyay.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay adkeeyeen ammaanka albaabbada laga galo masjidka, isla markaana ay ka hor istaageen tiro badan oo Muslimiinta iyo arday Falastiiniyiin ah inay gudaha u galaan. Waxay sidoo kale sheegeen in qaar ka mid ah dadka cibaadaysanayay la weeraray.
Maamulka Israa’iil uu qaaday tallaabooyin amni oo aad loo adkeeyay gudaha Magaalada Qadiimiga ah ee Qudus. Dadka loo oggolaa inay galaan xarunta Al-Aqsa waxaa lagu koobay inta badan dadka waayeelka ah, halka sidoo kale la adkeeyay baraha koontaroolka sida Qalandiya iyo waddooyinka gala Bariga Qudus.

Warbaahinta Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in boolisku u oggolaaday in ka badan 1,000 Israa’iiliyiin ah inay ku tukadaan goobta. Sida uu dhigayo heshiiskii la dejiyay sanadkii 1967, dadka aan Muslimka ahayn waxaa loo oggol yahay inay booqdaan Masjidka Al-Aqsa, balse looma oggola inay halkaas ku tukadaan.
Sida uu qoray wargeyska Haaretz, Wasiir Ben-Gvir ayaa sheegay in Yuhuudda booqanaysa goobta maalinta Tisha B’Av ay “dareemayaan inay yihiin milkiilayaasha goobta”, isagoo ku ammaanay waxa uu ku tilmaamay “horumar weyn” oo halkaas laga gaaray.
Madaxtooyada Falastiin ayaa ku tilmaantay gelitaannadan “Fal halis ah oo xiisadda sii hurinaya”, iyadoo sheegtay in looga gol leeyahay in goobta ay soo galaan Yahuuda oo loo kala qaybiyo. Waxay ku adkaysatay in Masjidka Al-Aqsa uu yahay goob cibaado oo Islaami ah, isla markaana Israa’iil aysan wax sharci ah ku lahayn madax-bannaanida goobta.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa iyaduna cambaaraysay dhacdadan, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.
Ururka Xamaas ayaa digniin ka bixiyay in waxa uu ugu yeeray “falalkan gardarrada ah” ay cawaaqib ku yeelan doonaan Israa’iil iyo dadka deggan deegaannada Yuhuudda.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun ayaa cambaaraysay booqashada Ben-Gvir, iyadoo ku tilmaantay “xadgudub ka dhan ah karaamada Masjidka Al-Aqsa, tallaabo sii hurinaysa xiisadda, fal aan la aqbali karin iyo kicin.”
Afhayeenka wasaaradda, Danjire Fouad Majali, ayaa sheegay in tallaabooyinka noocan ahi ay jebinayaan heshiisyada taariikhiga ah iyo sharciga horey loogu dajiyey goobtaas.
Urdun waxay ugu baaqday beesha caalamka inay Israa’iil ku cadaadiso joojinta waxa ay ku tilmaantay xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah goobaha barakeysan ee Islaamka iyo Masiixiyadda ee magaalada Qudus.
Weriyaha Al Jazeera, Nour Odeh, ayaa sheegtay in ka qaybgalka xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee Likud uu muujinayo “isbeddel siyaasadeed oo muhiim ah”, iyadoo saraakiisha Falastiiniyiinta iyo mas’uuliyiin Muslimiin ahi ay ku doodayaan in qorshaha duminta Masjidka ee lagu dalbanayo in halkaas laga dhiso macbud Yuhuud ah ee ay hadda taageerayaan xubno sare oo ka tirsan dowladda iyo baarlamaanka Israa’iil.
Waxay intaas ku dartay in gelitaannadan la filayo inay sii socdaan ilaa maalinta Jimcaha, isla markaana ay keeni karaan isku dhacyo hor leh, maadaama salaadaha Jimcaha ee Masjidka Al-Aqsa ay caadi ahaan isugu yimaadaan kumannaan qof oo Muslimiin ah.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Falastiin ayaa hore u cambaaraysay baaqyada Yahuuda ee lagu dhiirrigelinayo gelitaaka Masjidka, iyadoo ku tilmaantay isku day lagu beddelayo xaaladda taariikheed iyo tan sharci ee Masjidka Al-Aqsa, waxayna ugu baaqday beesha caalamka inay Israa’iil ku cadaadiso joojinta tallaabooyinkan.
Israa’iil waxay qabsatay Bariga Qudus intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee sanadkii 1967, waxayna si rasmi ah ugu darsatay dhulkeeda sanadkii 1980, inkasta oo tallaabadaas aanay aqoonsanayn inta badan beesha caalamka.




