India iyo Pakistan oo isku weeraray diyaaradaha Drone-ka

8 May, 2025

Pakistan ayaa sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Hindiya ay dileen hal qof oo rayid ah, iyadoo intaa ku dartay inay soo rideen tobanaan diyaaradood oo kale. Hindiya, ayaa iyaduna sheegtay inay ka hortageen isku day Pakistani ay ku doonaysay inay ku duqeyso bartilmaameedyo milateri.

Saldhigyada millatariga ee Jammu Pathankot iyo Udhampur – gobollada u dhow xudduudda caalamiga ah ee Jammu & Kashmir – waxaa bartilmaameedsaday Pakistan iyadoo adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, xarunta dhexe ee Shaqaalaha Difaaca ee Hindiya ayaa sidaas tidhi.

Jammu, oo ah magaalo ku taal gobolka Jammu & Kashmir ee Hindiya ay maamusho, ayaa laga soo sheegaya in korontadii ka go’aday xili ay shacabka maqlayeen qaraxyada gantaallo halkaa ku dhacay caawa.

Ilo kale oo ka tirsan millatariga Hindiya ayaa sheegay in siddeed gantaal, oo laga soo tuuray Pakistan, lalana beegsaday magaalooyinka Kashmiir ee Satwari, Samba, Ranbir Singh Pura iyo Arnia, dhammaantood ay soo rideen difaaca cirka.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda Pakistan ayaa sheegtay in weerarradii ugu dambeeyay ee Hindiya ay ahaayeen diyaarado drone, isla markaana la fashiliyey. Saraakiisha Pakistan ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin.