India: Qaraxa warshadda dawooyinka, Tirada dhimashada ayaa gaartay 36 qof

1 July, 2025

Ugu yaraan 36 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax xooggan oo ka dhashay dab ka kacay warshad dawooyinka sameysa oo ku taalla gobolka Telangana ee koonfurta Hindiya.

Qaraxa, oo gelinkii dambe ee Isniintii ka qarxay xarun ay maamusho Sigachi Industries, ayaa ka dhacay qaybta qalajiyaha ee warshadda – qayb loo isticmaalo in alaabta ceeriin loogu beddelo budo loogu talagalay soo saarista daawada. Warshada ayaa qiyaastii 50-km u jirta Hyderabad, caasimadda gobolka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in qaraxa ay ka maqleen meelo dhowr KM u jirta.

Guddi dowladeed ayaa la sameeyay si ay baaritaan ugu sameeyaan waxa sababay musiibadan.

Maamulka ayaa 34 meyd ah ka soo saaray burburka, halka laba shaqaale oo kale ay ku dhinteen dhaawacyo isbitaalka, sida uu sheegay agaasimaha adeegga dab-damiska ee Telangana.

25 ka mid ah dadka dhintay ayaan weli la aqoonsanin, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka degmada, P Pravinya.

Ilaa 36 shaqaale ah ayaa weli ku jira cisbitaalka iyaga oo qaba gubasho iyo dhaawacyo kale. Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in in ka badan 140 qof ay ka shaqeynayeen warshadda markii uu shilku dhacay.

Dhacdadan ayaa kicisay walaac cusub oo ku saabsan amaanka warshadaha dawooyinka ee India ee kobcaya.