Indonesia oo wajahdey Foolkaano kor u kacday in ka badan 15KM.

Dalka Indonesia ayaa wajahaya mid ka mid ah dhacdooyinkii foolkaane ee ugu waaweynaa ee maalmihii u…

7 September, 2026

Dalka Indonesia ayaa wajahaya mid ka mid ah dhacdooyinkii foolkaane ee ugu waaweynaa ee maalmihii u dambeeyay, kaddib markii foolkaanaha Anak Krakatau siweyn u qarxay hawadana ku sii daayey dambas gaaray ilaa 50,000 oo feet, oo u dhiganta ku dhowaad 15 kiiloomitir, kaas oo ku fiday qaybo ka mid ah Java iyo Sumatra, si gaar ahna u saameeyey hawada Magaalada caasimadda ah ee Jakarta.

Qaraxaan foolkaano ayaa sababay in siddeed garoon diyaaradeed oo ku yaalla Indonesia la xiro ama la hakiyo howlahooda, oo uu ku jiro garoonka caalamiga ah ee Soekarno-Hatta ee Jakarta, iyadoo in ka badan 1,500 duulimaad la baajiyay ama dib loo dhigay, halka ku dhowaad 170,000 oo rakaab ah ay saameeyeen hakinta duulimaadyadu, kadib markii mas’uuliyiinta dalkaasi sheegeen in dambaska foolkaanaha uu khatar weyn ku yahay matoorada diyaaradaha iyo badqabka duulimaadyada.

Anak Krakatau wuxuu ku yaalla marin-biyoodka Sunda Strait ee u dhexeeya jasiiradaha Java iyo Sumatra, waana foolkaane ka dhashay burburkii Krakatoa ee qarxay 1883-kii, kaas oo ka mid ahaa qaraxyadii foolkaane ee ugu dhimashada badnaa taariikhda casriga ah, waxaana Foolkaanahaani uu marka kale horay u qarxay 2018-kii, xilligaas oo burbur ka dhacay qayb ka mid ah foolkaanaha uu sababay tsunami ay ku dhinteen in ka badan 400 qof.

Indonesia ayaa sidoo kale, la tacaalaysa Foolkaanooyinka Semeru iyo Lewotobi Laki-Laki oo sameeyay qaraxyo, iyadoo hay’adaha Indonesia digniino ka soo saareen Khatarta Foolkaanooyin kale, waxaana Khubaradu xusuusinayaan in Indonesia ay ku taallo aagga loo yaqaan Ring of Fire, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha dunida ugu nugul dhulgariirrada iyo qaraxyada foolkaanaha.

Dhanka kale, Geeska Afrika waxaa si weyn looga digayaa roobab ka badan caadiga ah iyo fatahaado laga yaabo inay dhacaan bilaha October ilaa December 2026. Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) waxay sheegtay in xoojinta xaaladda El Niño ay keeni karto cimilo ka kulul kana qoyan sidii caadiga ahayd guud ahaan Geeska Afrika. Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa ka mid ah dalalka si gaar ah loogu baahan yahay inay sii xoojiyaan diyaar-garowga fatahaadaha.