Iran ayaa dil ku fulisay lix dagaalyahan oo lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen Israa’iil

4 October, 2025

Iran ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay lix dagaalyahan oo lagu eedeeyay inay weeraro hubeysan ka…

Iran ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay lix dagaalyahan oo lagu eedeeyay inay weeraro hubeysan ka fuliyeen gobolka Khuzestan ee koonfur-galbeed, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, iyadoo dalkaas uu sii wadayo dilalka degdega ah ee ay ku fulinayaan dad ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil, kaddib dagaalkii 12-ka maalmood ee bishii Juunyo ay la gashay Israa’iil iyo Mareykanka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga haybtooda dhammaan dadka la toogtay iyo faahfaahinta ku saabsan xadhigooda iyo xukunka lagu riday.

Xukunka dilka ah ayaa yimid wax ka yar hal todobaad kadib markii Iran ay sheegtay in ay daldashay Bahman Choobiasl, oo ah nin ay ku tilmaantay “mid ka mid ah basaaska ugu muhiimsan ee Israel u joogay Iran”.