Iran ayaa sheegtay inay xirtay sideed qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin wax ay ugu yeertay “argagixiso” shabakad xiriir la leh hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

Siddeedda qof ayaa lagu eedeeyay in xogta goobaha xasaasiga ah iyo tafaasiil ku saabsan madaxda sare ee Iran ay siiyeen hay’adda sirdoonka Israel.
Basaasnimada lagu eedeeyay ayaa dhacday intii lagu jiray dagaalkii cirka ee Israa’iil ay ku qaaday Iran bishii June, markaasoo ay weerartay xarumaha Nukliyeerka ee Iran ayna ku dishay taliyayaal sare oo militari, taasoo keentay in Tehran ay ku jawaabto duqeyn gantaalo.
Qoraal kasoo baxay Ilaalada Kacaanka Iran ayaa lagu eedeeyay in tuhmanayaasha ay tababar gaar ah ka heleen Mossad iyagoo adeegsanaya aaladaha internetka.
Waxa ay sheegtay in laga soo qabtay waqooyi bari Iran kahor inta aysan fulin qorshahooda, waxaana la sheegay in la qabtay agabkii lagu samayn jiray qalabka lagu sameeyo, bambaanooyinka iyo walxaha qarxa.
Intii uu socday dagaalka 12-ka maalmood ah, ilaa 21,000 oo qof ayaa xabsiga la dhigay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran, iyadoo ciidamada ammaanku ay wadeen howlgallo ka dhan ah mucaaradka.
Iran ayaa dil toogasho ah ku fulisay ugu yaraan 8 qof bilihii la soo dhaafay, oo uu ku jiro saynisyahanka Nukliyeerka Rouzbeh Vadi, kaas oo la daldalay 9-kii Agoosto kadib markii uu u gudbiyay Israel macluumaad ku saabsan saynisyahanadda kale.



