Iran: Ciidamada Ilaalada Kacaanka oo sheegay inay qabteen 2 markab oo marayey Hormuz

Ciidamada badda ee Iiraan ayaa ku eedeeyay laba markab inay khatar gelinayaan amniga badda iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan marin biyoodka Hormuz iyagoon haysan ogolaansho. Xiisadda sii kordheysa ayaa timid iyadoo shaki laga qabo wadahadallada xabad joojinta ee Mareykanka iyo Iiraan.

22 April, 2026

Wakaaladda wararka Iiraan ayaa werisay in Ilaalada Kacaanka Iiraan ay rasaas ku fureen markab saddexaad oo ku sugan Marinka Hormuz.

Warbaahinta Nour News, Fars iyo Mehr ayaa dhammaantood sheegay in weerarka lagu qaaday markab lagu magacaabo Euphoria.

Wararka ayaa sheegaya in markabku uu ku xayirnaa xeebta Iiraan.

Horay, telefishanka dawladda Iiraan ayaa sheegay in Ilaaladu ay qabteen laba markab oo kale oo loo soo leexiyey dhanka Iiraan.

Waxay labadaas markab kala yihiin MSC Francesca iyo Epaminondas, waxayna Iran ku eedeysay inay khatar gelinayaan amniga badda iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan marinka iyagoon fasax haysan.