Sida laga soo xigtay warbixinnada Khamiistii, dhowr qof ayaa lagu dilay Iiraan iyadoo ay sii kordhayaan mudaharaadka rabshadaha wata.

Iyada oo Iiraan ay ku jirto xaalad dhaqaale xumo, dalka waxaa qabsaday dibadbaxyo ka bilowday shaqo joojin ganacsatada oo ka dhacay caasimada Tehran, tan iyo markaasna ku faafay magaalooyin kale.
Wakaaladda warbaahinta Iiraan ee rasmiga ah, Fars, ayaa sheegtay in “ilo xog ogaal ah” ay soo warisay in ugu yaraan 3 qof oo rayid ah lagu dilay iskahorimaadyo Khamiistii subaxnimadii dhexmaray dibadbaxayaal hubaysan iyo ciidamada amniga magaalada galbeed ee Lordegan.
Koox xuquuqul insaanka ah, Hengaw, ayaa sidoo kale sheegtay in dhimasho ka dhacday magaalada. Hengaw ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay dileen oo ay dhaawaceen dhowr dibadbaxayaal ah kadib markii ay rasaas ku fureen.
Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay in dibadbaxe kale lagu toogtay gobolka Isfahan ee bartamaha Arbacadii shalay.
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee IRNA ee dawladdu maamusho ayaa sheegtay in xubin iskaa wax u qabso ah oo ka tirsan ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Basij lagu dilay habeenkii Arbacada magaalada Kuhdasht, oo ku taal galbeedka dalka. Dhimashadan ayaa ah tii ugu horreysay ee soo gaarta ciidamada amniga ee Iiraan tan iyo markii ay rabshaduhu bilaabmeen Axaddii.




