Iran iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo lagu xoojinayo ammaanka xuduudaha.

La-taliyaha Amniga Qaranka Ciraaq Qaasim al-Araji iyo Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran Ali Larijani,…

12 August, 2025

La-taliyaha Amniga Qaranka Ciraaq Qaasim al-Araji iyo Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran Ali Larijani, oo ku sugan Baqdaad ayaa maanta oo Isniin ah qalinka ku duugey is-afgarad dhexmaray labada dal.

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia’ al-Sudani ayaa sidoo kale kormeeray xafladda saxiixa, kadib markii waftiga Iran ay gaareen Magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

Intii uu socday kulanka Larijani iyo Suudaani, Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in Ciraaq ay ka go’an tahay wanaajinta xiriirka Iran iyo ballaarinta iskaashiga miro-dhal ah ee dhinacyada kala duwan si loogu adeego danaha labada dal.

Sudani ayaa ku celiyey mabda’a ah iyo mawqifka adag ee Ciraaq ee ka soo horjeeda ficilada gardarada ah ee maamulka Israel ee ka dhanka ah Iran iyo ficil kasta oo sii kordhinaya isku dhacyada heer gobol iyo heer caalami.