Dowladda Iran iyo maamulka Israa’iil ayaa weli wada duqaymaha iyo weerarada uu midba midka kale ku…
Dowladda Iran iyo maamulka Israa’iil ayaa weli wada duqaymaha iyo weerarada uu midba midka kale ku garaacayo laga soo bilaabo habeenimadii Jumcadii oo Tala Viv duqaymo ka fulisay Tehran.
Iran waxay ilaa xalay beegsatay goobo dowladeed iyo qaybo kamid ah magaalada caasimadda u ah maamulka Israa’iil halka xukuumadda Tala Viv ay maanta weerartay shirkado ganacsi iyo xarumo milatari oo kuyaal Tehran.
RW Israa’iil ayaa sheegay inaysan u dulqaadan doonin weerarada kaga imaanaya Tehran, “2000 oo gantaal ayey nagu soo rideen uma dulqaandan karno, uma oggolin Nukliyeer…mardhow waxan garaacaynaa Tahraan; hadafkayaguna waa hoggaanka-sare ee Iiraan”.
Dhanka kalena, dowladda Iran ayaa sheegtay in Yuhuuddu ay qaar kamid ah dalalka Caalamka ka codsatay in la joojiyo dagaalka bilowga ah sida laga soo xigtey Aljazeera.



