Wasiirada arrimaha dibadda ee Iiraan iyo Turkiga oo ka wadahadlay wadahadallada nabadda ee lagu xalinayo xiisada ka taagan marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi iyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan ayaa ka wada hadlay horumarkii ugu dambeeyay ee gobolka iyo wadahadalladii socday ee u dhexeeyay Tehran iyo Washington intii ay ku jireen wicitaan taleefan, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Tasnim ee Iiraan.
Labada wasiir ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan wadahadalladii ka dhacay Islamabad, halkaas oo wadahadalladii ugu dambeeyay ee Mareykanka iyo Iiraan ay ka dhaceen iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu yareynayo xiisadaha gobolka.
Wadahadalkan ayaa yimid iyadoo la sii wado dadaallada diblomaasiyadeed ee xiisada ka taagan marinka Hormuz, kadib markii ay fashilmeen kulankii Iran iyo Mareykanka ku yeesheen Islamabad, Pakistan.



