IRAN: Khamenei oo uga digay Mareykanka inuu weerar soo qaado

18 June, 2025

Hoggaamiyaha Sare ee Khamenei ayaa sheegay in Iran aysan aqbali doonin “dagaal lagu soo qaado”, wuxuuna ka digay weerar kasta oo Mareykanku ku qaado dhulkooda inay yeelan doonto “cawaaqib xun oo aan laga soo kabsan karin”.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ali Khamenei ayaa ku gacan seyray baaqii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in ay si shuruud la’aan ah isugu dhiibaan isaga oo ka jawaabaya duqeynta Israel.

Khamenei wuxuu wacad ku maray inuu dagaalami doono, wuxuuna diiday baaqyada Trump ee ah “is dhiibitaanka shuruud la’aanta ah”

Ayatollah Ali Khamenei ayaa jeediyay khudbadiisii ​​ugu horeysay tan iyo Jimcihii hadal uu si toos ah uga akhriyay TV-ga Iran.

“Dadka wax garadka ah ee yaqaana qaranka Iran iyo taariikhdeeda waligood kula hadli maayaan ummadan luqad hanjabaad ah, sababtoo ah qaranka Iran isma dhiibi doono,” ayaa lagu yiri khudbadiisa maanta oo Arbaca ah.

“Maraykanku waa inay ogaadaan in faragelin kasta oo milatariga Maraykanku ay shaki la’aan la socon doonto burbur aan laga soo kaban karin,” ayuu raacisay.