Tobanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, iyadoo dalkaasi uu ka dhacayay aas loo sameeyay taliyeyaasha militariga, saynisyahannada nukliyeerka iyo qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee lagu dilay weerarradii Israa’iil horaantii bishan.

Munaasabada Sabtidii ayaa ahayd aaskii ugu horreeyay ee Qaran oo loo sameeyo taliyayaasha sarsare tan iyo xabbad joojinta, waxaana telefiishanka dawladda Iran uu sheegay in ay ahaayeen 60 qof guud ahaan, oo ay ku jiraan afar dumar ah iyo afar carruur ah.
Sawirro laga soo qaaday bartamaha Tehraan ayaa muujinayay naxashyadda lagu xardhay calanka Iran oo ay ku xardhan yihiin sawirrada taliyayaashii dhintay oo ku labisan dareeska ciidanka.
Israa’iil ayaa weerar ku qaaday Iran 13-kii Juun, halkaas oo ay ku dishay dhowr sarkaal oo sarsare oo militari iyo saynisyahano ah, waxayna duqeysay goobaha militariga iyo xarumaha nukliyeerka ee dalka oo dhan. Iran ayaa gantaallo ugu jawaabtay Israa’iil.
Duqeymaha Israa’iil ayaa socday muddo 12 maalmood ah, iyadoo xulafadooda muhiimka ah ee Mareykanka uu ku biiray colaadda si ay u fuliyaan duqeymaha saddex goobood oo Nukliyeer ah todobaadkii hore. Iran oo ka aargoosanaysa weerarada Mareykanka, ayaa mowjado gantaallo ah ku garaacday saldhiga ciidamada Mareykanka ee Qatar.
Iran iyo Israa’iil labaduba waxay guul ka sheegteen dagaalkii ku dhammaaday xabbad-joojin dhaqagashay Salaasadii, iyadoo hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, Ayatollah Ali Khamenei uu hoos u dhigay khasaaraha kasoo gaaray weerarrada Mareykanka, wuxuuna diiday sheegashada Mareykanka ee ah in barnaamijka Nukliyeerka Iran uu dib u dhigay tobannaan sano.
Naxashka Taliyaha Ilaalada General Hossein Salami, madaxa barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee ilaalada, General Amir Ali Hajizadeh, iyo kuwa kale ayaa lagu kexeeyay gawaari wadada Azadi ee caasimadda, iyadoo dadka ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Ameerika iyo Israel.
Salami iyo Hajizadeh ayaa labadaba la dilay maalintii ugu horeysay ee dagaalka.
Mohammad Bagheri, oo ahaa taliyaha guud ee Ilaalada Kacaanka Iran, iyo sidoo kale saynisyahanka sare ee cilmiga Nukliyeerka Mohammad Mehdi Tehranchi ayaa sidoo kale lagu dilay weerarrada Israel.