Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa shaacisay nooca wadahadal ee ay doonayso inay la gasho Madaxweyne…

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa shaacisay nooca wadahadal ee ay doonayso inay la gasho Madaxweyne Donald Trump iyo xuluufadiisa laba rogaya dagaalada ka socda Bariga dhexe.
Afhayeenka barlamaanka dalka Iran Maxamed Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay in Tehran aysan aqbali doonin inay gasho wadaxaajoodyo ay hanjabaado dabayaallaan aysanna aqbali doonin in loo yeeriyo wax aan danteeda ahayn.
“Isagoo go’doon soo rogaya oo jebinaya xabad joojinta, Trump wuxuu doonayaa inuu miiskan gorgortanka u rogo miis is-dhiibis ah ama uu qiil u sameeyo dib u hurinta dagaalka, sida uu u arko inay ku habboon tahay”, Ayuu yiri afhayeen Maxamed Bagher Ghalibaf.
Afhayeenka ayaa intaasi raaciyey,“Ma aqbalno wadahadallo wata hanjabaado, labadii toddobaad ee la soo dhaafayna waxaan isu diyaarinaynay inaan muujinno kaarto cusub oo dagaalka ah.”




