Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah…

Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay sheegeen inay weerarro ku qaadeen waxa ay ku tilmaameen “saldhigyada cadowga ee gobolka”, iyagoo adeegsaday gantaallo ay ku sifeeyeen kuwo ka tirsan awooddooda cirka iyo hawada sare.
War-saxaafadeed ay baahisay wakaaladda Tasnim ayaa lagu sheegay in weerarradaasi lagu bartilmaameedsaday goobo militari oo gobolka ku yaalla, xilli Milatariga Maraykanku xusay in Iiraan ay ridday toddobo gantaal oo loo jihaynayay dalalka Khaliijka ee Kuwait iyo Bahrain, balse aysan jirin gantaal gaaray bartilmaameedkiisii.
Dhanka kalena, Taliska Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadiisu ay soo rideen afar diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn (drones) ah oo Iiraan ka soo dirtay dhinaca marin-biyoodka muhiimka ah ee Strait of Hormuz, waxaana Maraykanku sheegay inay duqeeyeen xarumo raadaar oo Iiraan leedahay kuwaas oo ku yaalla jasiiradda Qeshm Island iyo deegaanka Goruk ee xeebaha koonfureed ee Iiraan.
Dhinaca kale, ciidamada badda ee Iiraan ayaa sheegay inay Jimcihii rideen rasaas digniin ah oo ka dhan ah maraakiib Maraykan ah oo ku sugnaa Badda Cumaan, iyagoo ku eedeeyay ciidamada Maraykanka inay faragelin iyo handadaad ku hayeen maraakiibta gobolka.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa gebi ahaanba beeniyay eedeyntaasi, taas oo muujinaysa sida ay u kala fog yihiin wararka labada dhinac. Haddii xiisaddan ay sii socoto, waxaa jirta cabsi laga qabo inay saameyn ku yeelato ammaanka gobolka iyo isu-socodka maraakiibta caalamiga ah ee marinka Hormuz.




