Iran oo duqaymo ku ekaysay goobaha shidaalka Magaalooyinka Haifa iyo Tel Aviv.

15 June, 2025

Iran ayaa gantaalo ku garaacday bartilmaameedyo muhiim ah oo kuyaalla gudaha Israa’iil, kadib markii maamulka Yuhuuddu…

Iran ayaa gantaalo ku garaacday bartilmaameedyo muhiim ah oo kuyaalla gudaha Israa’iil, kadib markii maamulka Yuhuuddu shalay gelinkii dambe duqaymo ka geystey gudaha Iran.

Goobaha muhiimka ah ee Iran duqaymaha culus ka fulisay waxaa kamid ah Magaalooyinka Haifa iyo Tel Aviv, oo ay ku dhinteen ugu yaraan siddeed qof, sida ay sheegeen dhakhaatiirta iyo warbaahinta.

Weerarada ayaa yimid kadib markii ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen kaabayaasha tamarta iyo rayidka ee Iran, iyagoo dab ku qabsaday xarunta saliida ee Shahran ee Tehran.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen goobo ay ka socdaan mashaariicda bacriminta hubka Nukliyeerka ee Jamhuuriyadda Iran.