Iran oo duqaymo ku weerartay dalalka Khaliijka Carabta.

28 February, 2026

Dalalka Maraykanka iyo Israel oo iskaashanaya ayaa saaka duulaan cirka ah ku qaaday qaybo badan oo…

Dalalka Maraykanka iyo Israel oo iskaashanaya ayaa saaka duulaan cirka ah ku qaaday qaybo badan oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Iran, iyagoo sheegay inay soo afmeeri doonaan khatar ku soo wajahan adduunka.

Duqaymahaan ayaa waxaa xigey jawaab ay Iran ka bixisay, iyadoo gantaalo ku weerartay qaar kamid ah magaalooyinka Yuhuudda iyo qaar kamid ah dalalka saaxiibka la ah ee Carabta.

Wakaaladda wararka Iiraan ee Fars , ayaa hadda ku warramaysa ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerarreen saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Baxrayn, iyadoo warbixinta lagu sheegay weerarradaa wali socdaan.

Inta badan dalalka Khaliijka Carabta ayaa xaqiijiyey gantaalada lagu weeraray, iyagoo tilmaamay in hanaankooda difaacu uu ka hortegey weeraro dheeraad ah inkastoo Magaalooyinka qaar laga maqlay qaraxyo waaweyn.