Iran oo duqeynmo xoogan ka geysatay Israel

19 June, 2025

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa ka warbixisay in si toos ah la duqeeyey isbitaal ku yaalla koonfurta, kaddib markii Iran ay weerar kale oo gantaallo ah ku qaadday dalkaas subaxnimadii Khamiista.

Adeegga caafimaadka degdega ah ee Israa’iil Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in saddex qof ay si xun ugu dhaawacmeen gantaallo lagu garaacay guud ahaan dalka.

Waxay sheegtay in 42 qof ay saameeyeen firir iyo/ama dhaawacyo qarax.

Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay ku amreen militariga Israa’iil “inay xoojiyaan weerarada ka dhanka ah bartilmaameedyada istiraatiijiga ah ee Iran iyo kaabayaasha korontada ee Tehran.”

Aag u dhow xarunta cilmi-baarista biyaha culus ee Khondab, oo ah goobta muhiimka ah ee barnaamijka Nukliyeerka Iran, ayaa waxaa duqeeyay ciidamada Israel, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ardayda Iran ee ISNA.