Iran oo duqeysay warshadda biyaha ee Kuwait; weerarrada ka dhanka ah Khaliijka iyo Israa’iil oo sii socda

Weeraradan ayaa kusoo beegmay kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeynmo horleh la beegsadeen kaabyaasha dalka Iran.

3 April, 2026

Ka dib markii uu burburiyay buundada ugu weyn oo ku taal Iiraan, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ballanqaaday inuu weeraro dheeraad ah ku qaadi doono xarumaha rayidka iyo xarumaha korontada, falalkan oo ka horimaanaya sharcuuda caalamiga ah.

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa ku tilmaamay hanjabaadda Trump ee ah inuu Iiraan dib ugu celin doono “Qarnigii Dhagaxa,” mid ah qirasho inuu Mareykanka damacsan yahay inuu geysto “dambi dagaal oo aad u weyn”.

Dhanka kale, Kuwait ayaa sheegtay in warshad biyaha lagu nadiifiyo iyo warshad saliid lagu sifeeyo ay bartilmaameedsatay Iiraan iyadoo dalalka Khaliijka ay wajahayaan weeraro cusub.

Tehran ayaa beenisay inay bartilmaameedsanayso warshadda biyaha lagu nadiifiyo. Iiraan ayaa sidoo kale gantaallo ku garaacday Israa’iil.

Kenneth Roth, oo ah bare Jaamacadda Princeton isla markaana hore u ahaa madaxii hay’ada xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa ka digay in weerarrada Mareykanka ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan ay noqon karaan dambiyo dagaal.

Roth wuxuu tilmaamay danbiyadan lamid yihiin kuwii hore ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ICC, ay horey ugu soo oogtay taliyayaasha Ruushka weeraradii kuwan lamid ahaa oo ay ka geysteen dalka Ukraine.