Dhowr dowladood oo Khaliijka ah ayaa soo sheegay in Iiraan ay weerartay goobaha tamarta kadib markii Israa’iil ay weerartay gaaska xarunta Iran ee Gaaska laga soo saaro ee Koonfurta Pars.

Xiisadda u dhaxaysa Iran iyo dalalka Khaliijka ee deriskeeda ayaa sii kordheysa.
Qadar ayaa amartay in wakiilada amniga iyo militariga ee jooga safaarada Iiraan ay ka baxaan dalkeeda, kadib markii gantaalada Iiraan ay “waxyeelo weyn u geysteen” xarunteeda ugu weyn ee gaaska Qadar ee Ras Laffan.

Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda sheegtay in “kalsoonidii yarayd ay u hayeen Iran ay gebi ahaanba burburtay.”
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga goodiyey Iran inuu qarxin doono xarunta gaaska ee Koonfurta Pars, haddii ay mar kale weerarto wadanka Qadar, wuxuuna ballanqaaday in Israa’iil aysan mar labaad weerari doonin goobaha tamarta ee Iran.
Isra’iil ayaa tan iyo markii uu duulaankan bilowday si gaar ah diirada u saareysay in dagaal weyn ka dhex qarxo Iran iyo wadamada deriska la ah ee Khaliijka, iyadoo horey loogu tuhunsanaa duqeymo ka dhacay Sacuudiga, Cumaar iyo Turkiga.



