Iran oo eedayn ujeedisey qaar kamid ah dalalka reer Yurub.

16 June, 2025

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa siweyn u cambaaraysay qaar kamid ah dalalka reer Yurub ee…

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa siweyn u cambaaraysay qaar kamid ah dalalka reer Yurub ee taageerada u fidiyey maamulka Israa’iil oo duqaymo ka wada gudaha Iran.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada IRan oo hadda hadlaya ayaa si xoogan u cambaareeyey ficilada Faransiiska, Jarmalka, Mareykanka & UK oo kusifeeyey kuwa aan cadaalad aheyn, wuxuu sheegay in ay hubkooda geeyeen Israa’iil si loogu geystey falal ka baxsan xuquuqda aadanaha, haddana ay been abuur sheegayan.

Afhayeenka ayaa sheegay in Barnaamijka Hubka Nuclear IRAN uu yahay kan kaliya ee dunida si nabad ah looga shaqeeyey, haddana la weeraray iyadoo ay weerarka geysteen wadamo Hub Nuclear ah haysto, wuxuu sheegay in ay tani dharbaxo xun ku taahy nidaamka faafinta Nukliyeerka iyo Sharciga caalamiga ah oo aysan IRAN aqbali doonin.

Guud ahaanba Iran waxay diidey inay wada xaajood gasho iyadoo maamulka Israa’iil uu wado duqeymaha uu ka geysanayo gudaha dalkeeda- Oman, Sacuudiga & Qatar ayaa isku dayay dadaalkaas laakiin Tehran ayuu wajigabax kala kulmay