Milatariga Iran ayaa sii daayay muuqaallo muujinaya mowjad gantaallo culus oo madaxyo badan leh oo bartilmaameedsanaya Ciraaq, Baxrayn, iyo Israa’iil.

Duqeynta ugu culus ayaa lala beegsaday magaalada Tel Aviv iyadoo ay jiraan khasaaro badan oo ka dhashay, walow dowlada Israel ay mamnuucday baahinta muuqaalada burburka halkaas soo gaara iyo khasaaraha rasmiga ah.
Iran ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeyntooda xooga saarayey saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay dalalka Khaliijka, gaar ahaan radaarada la socda dhaq dhaqaaqa hawada, kuwaasi oo horey usii sheegi jiray digniinta gantaalada laga soo tuuro dhinaca Iran.

Iran ayaa sidoo kale horey u duqeysay saldhigyada ugu waaweyn ee Israel oo xarumaha u ah sirdoonka iyo radarada la shaqeeya difaaca cirka.
Gantaaladii xalay Iran la beegsatay Israel ayaa ahaa kuwii ugu cuslaa oo midkiiba xambaari kara madax qarxa oo culeyskiisa gaarayo 1 illaa 2 ton.
Warar laga helayo sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Iran burburisay intii badneyd radaradii militariga Mareykanka u yaalay wadamada Khaliijka ee jaarka la ah Iran, arrintan oo keentay in Mareykanka uu Maraakiib horleh u diro gobalka.
Xog aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Iran burburisay 4 kamid ah gantaalada difaaca ee Thaad ee Mareykanka u yaalay Khaliijka, Mareykanka ayaa guud ahaan heysta 8 noocaan loo yaqaan Thaad oo midkiiba ku kacayo 1 bilyan oo dollar.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa shalay baahiyey muuqaalo muujinaya Mareykanka oo dalkaasi kala baxaya gantaaladooda Thaadka oo horey wadankaasi u difaaci jiray, iyadoo la rumeysan yahay in loo qaadayo dhanka Israel ama Khaliijka.



