Iran oo heegan sare ku jirta, xiriirka diblumaasi u jartay Mareykanka

14 January, 2026

Xiriirkii u dhexeeyay Tehran iyo Washington ayaa hakad galay, xili ay ciidamada Iiraan heegan sare ku jiraan, kadib hanjabaada kasoo yeeraysa Mareykanka.

Sida ay sheegayaan wararka, xiriir toos ah oo u dhexeeyay saraakiisha sare ee Mareykanka iyo Iiraan ayaa burburay, iyadoo ay jiraan xiisado sii kordhaya oo ku xeeran khatarta weerarrada militariga Mareykanka oo marmarsiyo ka dhiganaya mudaharaadyada ka socda wadankaasi.

Xiriirkii u dhexeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi iyo ergayga gaarka ah ee Mareykanka Steve Wittkof ayaa la hakiyay, sida uu sarkaal sare oo Iiraan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters maanta oo Arbaca ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu tallaabo milatari ka qaadi doono Iiraan sababo la xiriira dilka loo geystay dadka mudaharaadka ka wada dalkaasi, xili bilo laga joogo markii ciidamada Mareykanka oo taageeraya Israel ay duqeeyeen xarumaha nukliyeerka, dagaalkaas oo socday 12 maalmood bishii Juun ee sanadkii hore.

Iran waxay ballan qaaday inay ka aargoosan doonto saldhigyada militariga Mareykanka ee gobolka haddii lasoo weeraro.

Mareykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu la baxay qaar kamid ah shaqaalahooda ku sugan saldhiga weyn oo ay ku leeyihiin dalka Qatar ee jaarka la ah Iran.

Sidoo kale Ruushka ayaa lagu soo waramayaa inuu dhulka ay heysato Israel kala baxay qaar kamid ah diblumaasiyiintii halkaasi u joogay.