Iran oo ka hadashay duqeyntii Mareykanka ee xarumaha Nukliyeerka

22 June, 2025

Wakaalada tamarta Nukliyeerka Iran ayaa sheegtay in weerarada Mareykanka aysan hakin doonin howlaheeda Nukliyeerka.

Weeraradii habeennimo ee uu Mareykanka amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo nukliyeer ah oo ku yaalla saddex goobood oo Iran ku yaalla, oo ay ku jirto warshadda si wanaagsan loo tayeeyo ee uranium-ka ee Fordo.

Iran, waxay tiri, “waxay adeegsan doontaa xulashooyin kale duwan ee jawaabta gardarrada, waxayna noqon doonaan jawaabo keena inay ka qoomameeyaan cadowga.”

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa soo saaray digniin ku socota saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe, kadib markii xalay ay duqeyn cirka ah ka geysteen xarumaha Nukliyeerka ee dalkaasi.

“Iyagoo weeraraya xarumaha nukliyeerka ee nabdoon, [ciidamada Mareykanka] waxay xaqiiqsadeen inay naftooda geliyeen khatar toos ah,” ayuu yiri taliska IRGC, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa Axadii ku tilmaamay weeraradii militari ee ka dhanka ahaa xarumaha Nukliyeerka Iran “guul” kaasoo meesha ka saaray hammigii Nukliyeerka ee Iran.

Hegseth ayaa sheegay in ciidamada Iran iyo dadka rayidka ah midna aan lagu bartilmaameedsan howlgalka Mareykanka.

Maraykanku wuxuu saldhigyo badan ku leeyahay agagaarka gacanka Carbeed, oo ay ku jiraan Bahrain iyo Qatar. Qaarkood waxay ku yaalaan meel aad ugu dhow Iran, taas oo ka dhigi karta bartilmaameedyo aargoosi ah.

Ilaa 40-kun oo ciidamada Maraykanka ah ayaa hadda ku sugan gobolka.

Baxrayn iyo Kuwait oo labaduba ku yaalaan saldhigyada ciidamada Maraykanka ayaa bilaabay inay isu diyaariyaan suurtagalnimada weeraro militari oo ka dhaca dalalkooda.

IRGC waxay kaloo sheegeen inay sii wadi doonaan beegsiga Israel, oo ay xalay iyo saaka la beegsadeen mowjado badan oo gantaalo ah iyo weerarro Drones ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa ka jawaabay baaqa ka soo yeeray Britain iyo Midowga Yurub ee ahaa in dib loogu laabto wada xaajoodka, isagoo sheegay in Iran aysan waligeed ka bixin, balse Mareykanka iyo Israel burburiyeen wadadii wadahadalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa Axadda u safri doona Moscow si uu ula kulmo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin berri oo Isniin ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa Axaddii sheegtay in weerarrada uu Maraykanku ku qaaday goobaha Nukliyeerka ay tahay “mas’uuliyad-darro” kana hor imaanayso shuruucda caalamiga ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa iyaduna dhaleeceysay weerarrada uu Mareykanka ku qaaday Iran, iyadoo sheegtay inay sii kordhinayaan xiisadda bariga dhexe, ayna ka hor imaanayaan axdiga Qaramada Midoobay.