Iran oo ka hadashay sii amba-qaadidda wada-xaajoodyada ay la leedahay Trump.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran Esmail Baghaei ayaa sheegay in farriimaha ay isdhaafsanayaan iyaga iyo…

15 April, 2026

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran Esmail Baghaei ayaa sheegay in farriimaha ay isdhaafsanayaan iyaga iyo xukuumadda Trump ay sii socdaan iyadoo ay garwadeen ka tahay Pakistani ah.

Baghaei wuxuu sheegay in mowqifka Iran uu cad yahay ayna marwalba gudbinayaan, Wuxuu intaas ku daray in Iran ay diyaar u tahay inay martigeliso wafdi ka socda Pakistan, taasoo qayb ka ah sii wadista wada-hadalladii hore uga dhacay Islamabad.

Dhanka kalena, afhayeenka ayaa meesha ka saaray sheegashooyinka Maraykanka ee ku saabsan in Iran ay raadinayso hub nukliyeer ah, wuxuuna ku adkaystay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu yahay “mid nabadeed.

Ugu dambayntiina diblumaasigaan ayaa sheegay in Iran “ay tahay inay sii waddo kobcinta iyadoo ku saleynaysa baahideeda,” balse “ay jirto suurtagalnimo wadahadal oo ku saabsan nooca iyo heerka kobcinta.”