Iran oo ka hadashay wada xaajoodka ay la leedahay Mareykanka

9 April, 2025

Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Arakchi uu u safri doono dalka Cumaan Sabtida soo socota si uu wadahadalo aan toos ahayn ula yeesho Mareykanka.

Khudbad uu jeediyay intii lagu guda jiray munaasabadda Maalinta Tignoolajiyada Nukliyeerka, wuxuu intaa ku daray in Hogaamiyaha Sare Ali Khamenei uu ogolaaday wada xaajood aan toos ahayn sababtoo ah Tehran kuma kalsoona dhinaca kale.

Madaxweynaha Iran ayaa carabka ku adkeeyay in Iran aysan dooneynin inay haysato hubka Nukliyeerka, inkastoo eedeymaha loo jeediyay ee ku aadan arrintan.

Pezeshkian waxa uu sharaxay in Hogaamiyaha Sare uusan ka soo horjeedin in shirkadaha Mareykanka ay maalgashadaan Iran, iyo in waxa Tehran ay diiday ay yihiin siyaasadaha qaldan ee Washington.

“Waxaan diyaar u nahay inaan bixino dammaanad ah in aanan dooneynin inaan haysano bam Nukliyeer ah, inkastoo aan horay u cadeynay arrintan”ayuu yiri; Madaxweynaha Iran isagoo ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa uu taageersan yahay nabadda, balse uusan is dhiibi doonin.

Wuxuu sii raaciyey “Waxaan rabnaa nabad iyo amni, waxaana ku soconaa siyaasad wada hadal ah, balse kama tagi doono guulaha aan gaarnay, cidna ka yeeli mayno inay naga hor istaagto hal-abuurka”.

Horseed Media