Iran oo ku goodisey inay diyaar u tahay noocwalba oo dagaal ah.

Saraakiisha dowladda Iran ayaa ku adkaystay inay muddo dheer sugayeen in ciidamada Maraykanku ku soo dhacaan…

25 March, 2026

Saraakiisha dowladda Iran ayaa ku adkaystay inay muddo dheer sugayeen in ciidamada Maraykanku ku soo dhacaan dabino waaweyn oo aysan ka soo waaqsan doonin muddo dheer.

Ali Akbar, oo kamid ah saraakiisha Iran ayaa sheegay in Iran ay u diyaarsan tahay dagaal istaraatijiyadeed oo muddo dheer socda ayna diyaar garawgiisa kusoo jirtey 20-kii sano ee la soo dhaafay, sida uu hadalka u dhigay.

“Sanado badan ayaan sugaynay in Maraykanku kudhaco dabinada qorshaheena, in ka badan 20 sano ayaanna ku tababaranaynay dagaal dheer oo aan toos aheyn. Hadda fariinteennu waa hal ciidamada Maraykanka ha soo dhowaadaan”, Ayuu yiri Ali Akbar.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Israel saaka la kulantay weeraro baaxadleh oo sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed uuna Madaxweyne Trump sheegay in dagaalku dhammaad yahay diyaaradihiisuna dul heehaabayaan Tehran.