Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran oo ka aargudanaysa weeraradii khasaaraha dhaliyey ee Yuhuuddu Jimcadii ku qaadday…

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran oo ka aargudanaysa weeraradii khasaaraha dhaliyey ee Yuhuuddu Jimcadii ku qaadday Tehran ayaa xoojisay duqaymaha Magaalada Tal Aviv iyo goobo kale oo ku yaalla dalkaasi.
Inta la xaqiijiyey 40 ruux ayaa ku geeriyootey iyadoo warbaahinta gudaha Yuhuuddu soo werisey burbur hantiyeed iyo khasaare soo gaarey xarumo dowladdu leedahay.
Iran ayaa sheegtay in Israa’iil ay dishay 78 qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo militari ah, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 320 qof, iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha ay ka geysanayaan magaalooyinka, xarumaha militariga iyo kuwa Nukliyeerka.
Hogaamiyaha ugu sareeya Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa uga digay Israa’iil inay filato ciqaab adag, ka dib dambiyada iyo weerarka Iran oo ay ku dishay dhowr taliyeyaal sare oo militari ah iyo lix saynisyahano nukliyeer ah.



