Iran oo laga jaray internetkii guud ahaan dalka

8 January, 2026

Kooxda la socodka internetka ee NetBlocks ayaa sheegtay in Iiraan ay la kulmayso go’doon internet oo heer qaran ah, iyadoo ay sii kordhayaan dibadbaxyada ka dhashay xiisad dhaqaale oo sii xumaanaysa.

Qoraal ay ku qortay baraha bulshada, NetBlocks waxay ku xustay in go’doominta muuqata ay ka dambeysay “taxane tallaabooyin faafreeb oo lagu bartilmaameedsanayo dibadbaxyada ka socda dalka oo dhan isla markaana caqabad ku ah xuquuqda dadweynaha ee ah inay isgaarsiiyaan xogta waqtiga xasaasi ah.

Dibadbaxayaashu waxay isugu soo baxeen waddooyinka magaalooyinka Iiraan tan iyo dabayaaqadii Diseembar iyagoo ka careysan qiimaha nolosha oo sii kordhaya iyo qiimo dhaca lacagta maxalliga ah.