Madaxa wafdiga wada-xaajoodka ee Iiraan ayaa sheegay in Mareykanku uu doonayo inuu dib u bilaabo dagaalka isla markaana uu wado “dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah” oo muujinaya weerar cusub.

Afhayeenka baarlamaanka Iiraan ahna madaxa wadaxaajoodka Mohammad Bagher Qalibaf ayaa sheegay in Mareykanka uu doonayo inuu dib u bilaabo dagaalka, isla markaana uu weli rajeynayo in Iiraan ay is dhiibto.
“Dhaqdhaqaaqyada cadowga, kuwa cad iyo kuwa qarsoonba, waxay muujinayaan in inkastoo ay jiraan cadaadis dhaqaale iyo siyaasadeed, haddana weli kama tanaasulin ujeeddooyinkooda milatari oo ay doonayaan inay bilaabaan dagaal cusub,” ayuu ku yiri farriin maqal ah.
Qalibaf ayaa intaa ku daray in militariga Iiraan ay diyaarinayaan “jawaab xooggan” oo ku aaddan weerarrada ay qorsheenayaan Mareykanka iyo Israa’iil, isagoo intaa ku daray “Iiraan weligeed ma oggolaan doonto cabsi gelin.”
Tan iyo markii uu ku dhawaaqay xabad joojin 8dii Abriil, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu si isdaba joog ah ugu hanjabay Tehran inay la beegsan doonaan tallaabo milatari oo cusub.
Ciidamada Iiraan ayaa sheegay inay ballaarin doonaan colaadda kala dhaxaysa Mareykanka iyo Israa’iil oo ka baxsan gobolka haddii Iiraan markale lasoo weeraro.



