Iran oo qaadacday muddada Maraykanku u qabtay furista marinka Hormuz.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa ka digtay weeraro aargoosi ah ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka…

6 April, 2026

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa ka digtay weeraro aargoosi ah ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Talaadadii u qabtay Tehran waqti kama dambays ah inay furto Marinka Hormuz

Iran waxay sheegtay in hanjabaadda Maraykanka ee ku aadan weerarka xarumaha tamarta iyo buundooyinka dalkeedu ay sababi doonaan cawaaqibxumo aan la mahadin aysanna furi doonin marinka Hormuz ilaa magdhaw laga bixiyo khasaaraha loo geystey dalkeeda.

Dhanka kalena, Gantaal Iran ayaa ku dhacay dhisme la deggan yahay oo ku yaal Haifa ee Israa’iil, kaasoo dilay ugu yaraan laba qof, afar kalena dhaawacay, halka kuwa kalena weli la waysan yahay.

Weerarradii Mareykanka iyo Israa’iil ayaa ku dhuftay ugu yaraan 12 magaalo oo ku yaal Iiraan, iyadoo 13 qof lagu dilay gobolka Baharestan ee Tehran.