Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iran Cabbaas Araghchi ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Tamarta…

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iran Cabbaas Araghchi ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay iyo Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA) in ay si deg deg ah u cambaareeyaan qorshayaasha dagaalka ee Israa’iil ay ku doonayso in ay ku garaacdo xarumaha Nukliyeerka ee Iran.
Hadalka Araghchi ee Khamiistii ayaa jawaab u ahaa warbixin gaar ah oo CNN ku sheegtay Israa’iil ay isku diyaarinayso weerar millatari oo suurtagal ah oo lagu qaado xarumaha Nukliyeerka Iran.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in hanjabaadaha Tel Aviv ee ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga aysan ahayn mid cusub, balse ay qorshayaasha la faafiyey yihiin kuwa aad looga naxo.
Warbixinta oo soo xiganaysa saraakiil badan oo Maraykan ah oo arrintan wax ka og, ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu helay xog sirdoon oo muujinaya in taliska Israa’iil uu qaadayo weeraro cusub.



