Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay horumarka laga…

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay horumarka laga gaaray wadahadalada nukliyeerka ee dalkiisu la yeeshay Mareykanka.
Araghchi ayaa hadalkan sheegay mar uu saxafiyiinta kula hadlayay ka dib wareegii saddexaad ee wada xaajoodyada dadban ee Iran iyo Maraykanka oo ka dhacay magaalada Muscat ee dalka Cumaan.
“Waan ku qanacsanahay sida ay u socdaan wada xaajoodyada iyo xawligooda, si wanaagsan ayay u socdaan, wayna ku qanacsan yihiin,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Iran.
Dhanka kalena, wasiirka ayaa sheegay inay dalkiisa ka go’antahay heshiis ay la gaaraan waddanka Maraykanka, “Waxay ahayd arrin cad in labada dhinacba ay ahaayeen kuwo dhab ah oo ay si go’aan ah u galeen wadahadallada, tani waxay abuurtaa jawi rajo na siinaya horumar laga gaadho wada-xaajoodyada socda xilligaan”.



