Iran oo shaacisay in Maraykanka iyo Israel argagixiso ku hubeeyeen dalkeeda.

21 February, 2026

Dowladda Iiraan ayaa mar kale ku tilmaantay falal argagixiso dilalka kumanaan qof intii lagu jiray dibadbaxyadii…

Dowladda Iiraan ayaa mar kale ku tilmaantay falal argagixiso dilalka kumanaan qof intii lagu jiray dibadbaxyadii bishii hore ka dhacay dalkaas, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo khubarada xuquuqda aadanaha ay isku raaceen falal xuquuqda aadanaha ka baxsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi ayaa Sabtidii sheegay in dowladdu ay soo saartay liis ay ku qoran yihiin 3,117 qof, kuwaas oo uu ku tilmaamay “dhibanayaal ka tirsan howlgalkii argagixisanimo ee dhawaan dhacay ayna kujiraan 200 oo shaqaale amni ah.

“Haddii qof uu ka hor yimaado saxnaanta xogtayada, fadlan la wadaag wixii caddayn ah,” ayuu yiri diblomaasigan oo hore u sheegay in 690 qof oo ku jira liiska ay ahaayeen ayna hubeeyeen Maraykanka iyo Israel.

Hadalkaan ayaa ku soo aadey saacado ka dib markii madaxweynaha Mareykanka uu u sheegay wariyeyaasha in 32,000 oo qof lagu dilay dibadbaxyada, isagoo intaa ku daray in “dadka Iiraan ay ku noolaayeen jahannamo adduun.