Iran oo shaacisay shuruudaha ugu muhiimsan ee heshiiska Maraykanka.

24 May, 2026

Sida ay baahisay Al Jazeera oo soo xiganaysa mas’uuliyiin u hadlay Iran, waxaa socda dadaallo diblomaasiyadeed oo la xiriira…

Sida ay baahisay Al Jazeera oo soo xiganaysa mas’uuliyiin u hadlay Iran, waxaa socda dadaallo diblomaasiyadeed oo la xiriira heshiis suurtagal ah oo dhex mara Iran iyo United States. Wararka ayaa sheegaya in qodobka ugu muhiimsan ee heshiiskaasi uu yahay in la joojiyo dhammaan dagaallada iyo weerarrada ka dhanka ah Iiraan iyo Lebanon, si loo dejiyo xaaladda cakiran ee gobolka Bariga Dhexe.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa sidoo kale tilmaamay in heshiiska lagu darayo in laga qaado xayiraadaha saaran hantida Iiraan ee dibadaha ku xanniban, taas oo muddo dheer saameyn ku lahayd dhaqaalaha dalkaasi. Waxaa kale oo la sheegay in ciidanka Mareykanka laga doonayo inay ka fogaadaan Iiraan iyo hareeraheeda, si loo yareeyo xiisadda milatari ee gobolka.

Dhanka kale, Iran iyo Oman ayaa la sheegay inay bilaabeen wada-hadallo ku saabsan maamulka marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz oo ah marin istiraatiiji ah oo ay maraan shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah, ayaa Iiraan dhaqaale badan ka samaysay muddadii uu socday dagaalka Bariga Dhexe, taas oo sare u qaadday muhiimaddiisa siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa isaguna sheegay in la dhammaystirayo heshiis nabadeed oo ay door weyn ku leeyihiin dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, arrintaan ayaa muujinaysa in ay jiraan dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha gobolka, isla markaana lagu abuuro jawi cusub oo wada-hadal iyo iskaashi siyaasadeed ku dhisan.