Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa Khamiistii sheegay in Iran ay weli ka go’an tahay Heshiiska Ka-hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka (NPT) iyo heshiiska kormeerka ammaanka ee la xiriira.

Tani waxay timid maalmo kadib markii Tehran ay meel marisay sharci joojinaya iskaashiga ay la leedahay hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay (IAEA).
Araqchi ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada (X) ku yiri:
“Iskaashigeenna aan la leenahay IAEA waxa uu u mari doonaa Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka ee Iran, sababo la xiriira badbaado iyo ammaanka qaranka.”
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa Arbacadii ansixiyay sharcigii ay toddobaadkii hore meel mariyeen baarlamaanka, kaasoo joojinaya iskaashiga Iran la leedahay hay’adda IAEA – tallaabadan Mareykanku ku tilmaamay mid “aan la aqbali karin”.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa hadalkiisa uu ku qoray baraha bulshada (X) uga jawaabay baaq ka yimid Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, oo ku dhiirrigelisay Tehran in ay ka laabato go’aanka ay uga baxday wada-shaqeynta IAEA.
Araqchi wuxuu ku eedeeyay Jarmalka “in uu si cad u taageeray weerarkii sharci-darrada ahaa ee Israa’iil ku qaaday Iran, oo ay ku jiraan xarumaha nukliyeerka ee la ilaalinayey.”
Iran waxay sidoo kale ku eedeysay hay’adda IAEA in ay la safatay waddamada Reer Galbeedka, isla markaana ay siisay Israa’iil marmarsiinyo ay u adeegsato duqeymihii cirka ee ay u geysatay xarumaha nukliyeerka ee Iran intii u dhaxaysay Juun 13 illaa 24. Weeraradaasi ayaa billowday maalin kadib markii guddiga maamulka ee IAEA ay u codeeyeen qaraar ku sheegaya in Tehran ay jebisay waajibaadkeedii ku saabsanaa heshiiska Ka-hortagga Faafinta Hubka Nukliyeerka (NPT).
Horseed Media