Iran oo sheegtay inay diyaar u tahay dagaal dheer oo ay la gasho Mareykanka iyo Israa’iil

10 March, 2026

Sarkaal sare oo ka tirsan Iiraan ayaa sheegay in dowladdooda ay diyaar u tahay dagaal dheer oo ay la gasho Mareykanka iyo Israel, wuxuuna tilmaamay inay diyaar u yihiin inay sii waddaan weerarrada ay ku qaadayaan waddamada Khaliijka si ay uga dhaadhiciyaan saaxiibkoodaTrump inuu joojiyo duulaanka.

Kamal Kharazi, oo ah la-taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee xafiiska Hogaamiyaha Sare, ayaa meesha ka saaray diblomaasiyadda hadda wuxuuna sheegay in dagaalku uu ku dhammaan doono oo keliya xanuun dhaqaale – taasoo muujinaysa mowqifka adag ee dowladda Iran.

“Ma arko xal diblomaasiyadeed oo dambe. Sababtoo ah Donald Trump wuxuu waday khiyaano mana fulliyo ballanqaadkiisa, waxaana ku aragnay laba jeer oo wadahadallo ah – in intii aan kula jirnay gorgortan, ay nasoo weerareen,” ayuu yiri Kharazi oo la hadlay warbaahinta Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa Axaddii sheegay in Iiraan ay 60% awooddeeda dagaalka u adeegsanayso inay ku weerarto saldhigyada Mareykanka ee gobolka.

Iran ayaa diirada saareysa in Mareykanka ciidamadiisa kala baxo dalalka jaarka la ah ee khaliijka si aysan mar dambe fursad ugu siin inuu weeraro kale kusoo qaado, iyagoona diidaya inay wax wadahadal ah la furaan Washington.

Sidoo kale dhaawaca dhaqaale ee soo gaaray dalalka Khaliijka ee xulafada la ah Mareykanka ayaa sii kordhaya, dalalkaasi ayaa ku eedeeyey Mareykanka inuu xooga saaray difaaca Israel oo kaliya, waxayna hada sheegeen in aan dagaalkan lagala tashan uu khatar ku keenay dalalkooda.

Iran ayaa sheegtay inay joojin doonto duqeynta dalalka Khaliijka kaliya marka wadamadaasi joojiyaan wadashaqeynta militari oo ay la leeyihiin Mareykanka. Waxayna intaasi raaciyeen in weerarada Mareykanka & Israel la beegsanayaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka ah ee Iran, ay uga jawaabayaan duqeynta xarumaha u dhigma ee ku yaal dalalka xulafada la ah Mareykanka ee Khaliijka ee dhulkooda iyo hawadooda u furay weerarada ka dhanka ah Iiraan.

Dhinaca kale, Iran ayaa shalay markale duqeyn xoogan la beegsatay magaalada Tel Aviv ee Israel iyadoo muuqato in ay sare u kacday tiradda khasaaraha soo gaaraya dhanka Israel oo la sheegayo inuu gabaabsi ka yahay gantaaladooda difaaca cirka.