Militariga Iran ayaa Axaddii shalay duqeeyey dhowr dal ee dalalka jaarka la ah, kadib duqeymihii ugu danbeeyey ee Israel iyo Mareykanka la beegsadeen dalkaasi.

Iran oo ka jawaabeysa duqeymihii shalay ee diyaaradaha Israel iyo Mareykanka la beegsadeen xarumahooda kaydka shidaalka ayaa iyaduna duqeysay dalalka jaarka la ah oo ay ku jiraan Sacuudiga, Baxreyn, Imaaraatiga, Qatar iyo Kuwait.
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay gantaal ku dhacay goob ay degan yihiin dad rayid ah oo ku taal magaalada Al-Kharj ee dalka Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudiga, magaaladaasi ayuu ku yaal saldhiga ciidamada cirka ee [Prince Sultan airbase] oo uu Mareykanka adeegsadeen.
Dhanka kale, Kuwait ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday haamaha shidaalka ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah, Baxrayn-na waxay sheegtay in warshad biyaha lagu nadiifiyo ay waxyeello soo gaartay.
Afhayeen u hadlay ciidamada Iran ee IRGC ayaa sheegay inay sii wadi doonaan duqeynta aargoosiga ah haddii weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee kaabayaasheeda tamarta aysan joogsan.



