Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran (SNSC), Ali Larijani, ayaa meesha ka saaray eedeymaha sheegaya…

Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran (SNSC), Ali Larijani, ayaa meesha ka saaray eedeymaha sheegaya in Iran ay dooneyso inay farageliso arrimaha gudaha ee Lubnaan, isagoo ku booriyay siyaasiyiinta Lubnaan inay si taxadar leh u kala saaraan saaxiibkooda iyo cadawgooda.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay wada qabteen afhayeenka baarlamaanka Lubnaan Nabih Berri ee Beirut, Larijani ayaa gudbiyay in booqashadiisa ay xambaarsan tahay fariin taageero ah oo ku aaddan madax-bannaanida iyo xoogga dalalka gobolka.
Mar uu ka jawaabayey dalabaadka Mareykanka ee hub ka dhigista kooxaha wax iska caabinta Lubnaan, wuxuu sheegay in Lubnaan ay awood u leedahay inay sugto ammaankeeda aanna wax loo yeerin karin.
“Wadamada ka baxsan Lubnaan waa inaysan u talin Lubnaan, qaranka Lubnaan waa ummad caqli badan oo iskeed u go’aamin karta, go’aan kasta oo ay dawladda Lubnaan sameyso iyada oo la tashanaysa iska caabinta annaga ayaa ixtiraamaya,” Ayuu yiri xoghayuhu.



