Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay wadahadallo cad oo…

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay wadahadallo cad oo caddaalad ah inuu la yeesho Mareykanka, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu diiday inuu meesha ka saaro inuu tallaabo milatari ka qaado Tehran.
Booqasho uu Jimcihii ku tagay Turkiga, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ayaa u sheegay wariyeyaasha, “Iiraan wax dhibaato ah kuma lahan wadahadallada, laakiin wadahadalladu kama dhici karaan hooska hanjabaadaha”.
“Sidoo kale waa inaan si cad u sheegaa in awoodaha difaaca iyo gantaallada Iiraan aysan waligood noqon doonin mowduuc wadahadallo ah,” ayuu Araghchi ku yiri shir jaraa’id oo uu la yeeshay dhiggiisa Turkiga, Hakan Fidan.
Wasiirka ayaa intaas ku daray,”Amniga dadka Iiraan ma aha ganacsi cid kale leedahay, waxaanan ilaalin doonnaa oo ballaarin doonnaa awooddeenna difaaca ilaa heer kasta oo lagama maarmaan u ah difaaca dalka.”




