Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyey in mid kamid ah diyaaradahooda lagu soo riday hawada dalka Iran, isla markaana baadi goob loogu jiro duuliyihii.

Diyaarad dagaal oo Mareykan ah ayaa lagu soo riday dalka Iiraan, waxaana socda howlgal badbaadin ah, sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay Reuters, isagoo u muuqda inuu xaqiijinayo wararkii ugu dambeeyay oo ay shaaciyeen warbaahinta Iiraan.
Warbaahinta Iiraan ayaa sheegaysa in ay tahay diyaarada lasoo riday nooca F-15 , isla markaana la baadi-goobayo labadii duuliye ee diyaaradaasi oo la rumeysan yahay inay ku dhaceen gudaha dhulka Iiraan.
Tani waxay ka dhacday dhanka galbeed ee dalka, waxaana maqaleynaa, sida laga soo xigtay macluumaadka ku wareegaya warbaahinta Iiraan, in Mareykanku uu sameynayo howlgallo lagu baadi goobayo duuliyeyaasha ku dhacay laba meelood.
Iiraan waxay sheegaysaa in howlgallo la sameeyay, iskahorimaadyo xoogganna ay ka dhasheen isku dhac dhexmaray ciidamada Mareykanka iyo ciidamada dhulka ee Iiraan, taasoo keentay khasaare soo gaaray ciidamada soo duulay.
Telefishanka Iiraan ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay bixinayaan 10 bilyan oo toman ah ($64,102) qofkii heli kara ama soo sheega goobta ay ku sugan yihiin duuliyayaasha.



