Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa ku sugan Pakistan isniintii si uu xal ugu raadiyo xiisadda u…

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa ku sugan Pakistan isniintii si uu xal ugu raadiyo xiisadda u dhaxeysa Islamabad iyo New Delhi, ka dib weerar bishii hore lagu qaaday dalxiisayaal ku sugnaa qaybta ay Hindiya ka maamusho ee Kashmir.
Booqashada Cabbaas Araghchi oo booqashadiisu noqonaysa middii ugu horreysey ee mas’uul ajnabi ah ku tago dalkaasi tan iyo markii ay soo cusboonaatay xiisadda Kashmir, iyadoo ujeedkiisu yahay sidii dalkiisu xal ugu raadin laha dhexdhexaadinta labada dal ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka.
Araghchi ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo Pakistan ah kadib markii uu ka degay garoon diyaaradeed oo u dhow Islamabad, isagoo la kulmi doonaa dhiggiisa Pakistan, Ishaq Dar, iyo sidoo kale madaxweyne Asif Ali Zardari iyo ra’iisul wasaare Shehbaz Sharif.
Ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa heegan sare ku jiray tan iyo todobaadkii hore, ka dib markii wasiirka golaha Attaullah Tarar uu sheegay in Islamabad ay leedahay sirdoon lagu kalsoonaan karo oo ah in Hindiya ay weerari karto Pakistan iyada oo ka jawaabaysa weerarkii 22-kii April ka dhacay magaalada loo dalxiis tago ee Pahalgam oo ay ku dhinteen 26 dalxiisayaal ah oo Hindus u badan.



