Iran oo wacad ku martay inaan Hormuz lagu celin doonin sidii hore.

Sarkaal sare oo u hadlay Milatariga Iran, laguna magacaabo Ebrahim Zolfaghari, ayaa si cad u sheegay…

26 March, 2026

Sarkaal sare oo u hadlay Milatariga Iran, laguna magacaabo Ebrahim Zolfaghari, ayaa si cad u sheegay in xaaladda marin-biyoodka Hormuz aysan maraba noqon doonin sidii hore ee maraakiibka caalamku uga gudbi jireen amar la’aan.

Ebrahim, wuxuu sheegay in Iran ay leedahay awoodda iyo xuquuqda kama dambaysta ah ee cidda ka gooshaysa marinka Hormuz, oo horay maraakiibta ganacsiga caalamku si fudud isaga kala gooshi jirtey.

“Awoodda bixinta oggolaanshaha maraakiibta waa annaga. Saameynta qiimaha shidaalka iyo ‘ololka’ suuqa tamarta waxay ku jirtaa gacanteenna”, Ayuu yiri Ebrahim Zolfaghar oo warbaahinta la hadlay.

Ugu dambayntiina sarkaalkaan ayaa si cad u weeraray dadaallada wada-hadalka ee Maraykanka, isagoo sheegay “Sida aad uga cararaysaan sii socoshada dagaalka, awoodda ciidamadeennu way sii xoogeysanaysaa maalin kasta.”