Iran oo walaac ka muujisay xiisadda sii kordhaysa ee India iyo Pakistan.

7 May, 2025

Xukuumadda Tehran ayaa walaac xoogan ka muujisay xiisadda sii xumaaneysa ee u dhaxeysa dalalka Hindiya iyo…

Xukuumadda Tehran ayaa walaac xoogan ka muujisay xiisadda sii xumaaneysa ee u dhaxeysa dalalka Hindiya iyo Pakistan, iyadoo ku boorisay labada dhinac inay is xakameeyaan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Esmaeil Baghaei, ayaa bayaan uu Arbacadii soo saaray, wuxuu iftiimiyay mowqifka Iran ee mabda’a ah ee ka fogaanshaha adeegsiga awoodda xiriirka dowladaha.

Esmaeil Baghaei, ayaa waxa uu tilmaamay in xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Pakistan iyo India inay tahay arrin walaac weyn ku ah Wadamada gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Ugu dambayntiina afhayeenka ayaa waxa uu rajo ka muujiyey in labada dhinacba ay qaadi doonaan tillaabooyin lagu dejinayo xiisadda oo ay ka hortagayaan in ay sii xumaadaan iyaga oo is xakameynaya.