Iran oo xaqiijisay geeridda Xoghayihii Golaha Amniga Qaranka

18 March, 2026

Xoghayaha Golaha Amniga Qaranka Cali Larijani ayaa lagu dilay duqeynta Mareykanka iyo Isra’il.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Araghchi ayaa sheegay in dilalka Mareykanka iyo Israa’iil aysan burburin doonin ‘qaab-dhismeedka siyaasadeed ee xooggan’ ee Iran.

Dilka Cali Larijani, xoghayihii awoodda badnaa ee Golaha Amniga Qaranka ee Iiraan, ma dhaawici doonto hoggaanka Iiraan, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas.

Khaarajinta Larijani ayey dowlada Iran xaqiijisay Arbacadii shalay, iyadoo dowladu sheegtay inaysan waxna ka bedali doonin siyaasada dalkaasi, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israa’iil aysan weli ogaan in dowladda Iiraan aysan ku tiirsanayn hal qof oo kaliya.

Dhinaca kale, Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sidoo kale Talaadadii xaqiijisay in Jeneraal Gholamreza Soleimani, oo ahaa madaxa ciidamada Basij ee Iiraan, oo ah koox militari ah oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), lagu dilay weerar “cadowga Mareykanka iyo Sahyuuniyadda”.