IRAN: Shan qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay maxkamad ku taal Sistan-Baluchestan

26 July, 2025

Weerar lagu qaaday maxkamad ku taal koonfurta bari ee gobolka Sistan-Baluchistan ee dalka Iran ayaa lagu dilay ugu yaraan shan qof oo rayid ah 13 kalena waa lagu dhaawacay, sida ay ku warrantay warbaahinta Iran.

IRNA ayaa sheegtay in saddex ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday sidoo kale la dilay intii uu socday weerarka, iyadoo soo xiganaysa xarunta gobolka ee ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

War qoraal ah oo lagu daabacay akoonkeeda Telegram-ka, Jaish al-Adl (Ciidanka Caddaaladda), oo ah koox hubaysan oo Baloch ah oo fadhigeedu yahay Pakistan, laakiin sidoo kale ka hawlgasha Iran, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka waxayna ku boorisay “dhammaan dadka rayidka ah inay si degdeg ah uga baxaan aagga isku dhacyada si ammaankooda loo ilaaliyo”, warbaahinta Iran ayaa werisay.

Sistan-Baluchestan, oo ku taal xudduudaha Pakistan iyo Afgaanistaan, ayaa hoy u ah Muslimiinta Sunniga ah ee Iran Baloch ee laga tirada badan yahay, kuwaas oo muddo dheer sheegay in dhaqaale ahaan la faquuqay oo siyaasada laga saaray.

Dagaalada u dhaxeeya ciidamada amaanka Iran iyo kooxaha hubaysan ayaa ah mid joogto ah oo ka dhaca gobolkaasi oo ku yaal meel qiyaastii 1,200km (745 mayl) koonfur bari kaga beegan caasimada Tehran.

Qaar ka mid ah kooxaha hubeysan ayaa sheegay in ay u dagaalamayaan xuquuqo waaweyn iyo madax bannaani. Dowladda Iran ayaa ku eedeysay qaar ka mid ah dadkaasi in ay xiriir la leeyihiin dowlado shisheeye oo ay ku lug leeyihiin weeraro iyo tahriibinta xuduudaha.